Skip to Content

Security Sector Reform.?

Dib-udhiska ama dib-uhabeynta Hay’adaha Amniga?
February 18, 2025 by
amnireform@gmail.com



Waa Maxay Dib-udhiska ama dib-uhabeynta Hay’adaha Amniga?

Waa hannaan farsamo iyo siyaasadeed oo looga danleeyahay xoojinta amniga qaranka iyo kan shacabka.  Waxaa isbeddel lagu sameynayaa qaab-dhismeedka, shaqada, iyo maamulka dhammaan hay’adaha ku lug leh bixinta iyo kormeerka amniga.

Waxaa diiradda lagu saarayaa sidii adeegyada amniga, maamulkooda, iyo ilaalintooda looga dhigi lahaa kuwo wax ku ool ah, la xisaabtan leh, isla markaana ushaqeeya si waafaqsan sharcuuda dalka.

Si loo gaaro hadafkan, waxaa lagama maarmaan in habraaca iyo qorshaha dib-u-habaynta iyo dib-u-dhiska ay ahaadaan kuwo lagu dhisay wadatashi iyo ka-qaybgal ballaaran oo bulsho. Midaan waxay sahlaysaa in nidaamka amni iyo caddaalad uu noqdo mid loo dhanyahay, loo simanyahay, oo ka tarjumaya baahiyaha iyo rajada dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada waa in la helo hay'ado amni oo:

  • Awood u Leh Gudashada Waajibaadkooda Shaqo sida bixinta adeegyada, ilaalinta nabadgelyada, dhaqangelinta iyo ilaalinta sharciga, iyo difaaca dalka. Si taa loo helo, waxay u baahan tahay in ciidanku helaan tababar ku filan, qalab casri ah, iyo sharciyo haga shaqadooda.
  •  Lala Xisaabtami Karo: Kuwo leh nidaamyo sharci iyo habraacyo shacabku isticmaali karo haddii ay dhacdo wax xadgudub ah oo ay galeen askarta iyo masuuliyiinta laamaha amniga.
  •  U Hoggaansan Sharciga: U shaqeeya si waafaqsan shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan mabaadi'da aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha.
  • Hoos Yimaada Kormeer Madax Bannaan: Leh hay'ado rayid ah oo kormeer iyo korjoogteyn oo madax bannaan, si loo hubiyo in amniga dalka loo maamulo si waafaqsan sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Midaan waxeey yareynaysaa ku takrifalka awoodda iyo musuqmaasuqa sido kale waxeey kor u qadeeysaa kalsoonida shacabka.
  • U Adeega Danta Guud ee Shacabka si Siman: Ujeeddada koowaad eey tahay ilaalinta iyo u adeegidda danta guud ee shacabka si ka madax bannaan danta koox gaar ah, qabiil, ama siyaasad.

Dib-u-habaynta waxaa lagu sameenayaa dhammaan hay'adaha ku lugta leh bixinta, maamulka, iyo kormeerka amniga. 

  • Ciidamada qalabka sida: Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta  iyo kuwa kale ee ka jira deegaannada maamul goboleedyada.
  • Hay'adaha Garsoorka iyo Sharciga: Garsoorka (Maxkamadaha), Xabsiyada iyo Xeer Ilaalinta.
  • Hay'adaha Maamulka iyo Kormeerka sida Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Gudaha/Amniga, iyo Maaliyadda.
  • Baarlamaanka iyo Guddiyada Baarlamaanka ee qaabilsan amniga, difaaca, iyo garsoorka: Kuwaas oo leh awood sharci dejin iyo kormeer.
  • Hay'adaha madaxa banana ee leh awooda, Kormeerk, korjoogteyn iyo baaris sida  Guddiyada Xuquuqda Aadanaha, Musuqmaasuqa iyo Hanti-dhowrka Guud.

Dib-u-habaynta Laamaha Amniga waa qorshe ballaaran oo u baahan iskaashi dhab ah oo ka yimaada dhammaan dhinacyada, si loo abuuro hay'ado ammaan oo xirfad leh, lagu kalsoonaan karo, oo u adeega danta guud ee dadka iyo dalka.

Xigasho/Notes

Share this post