Skip to Content

Dowlad Wanag

Good Governance
August 4, 2025 by
amnireform@gmail.com

Dowlad waa hanaan maamuleed oo bulshada ay ku heshiiyeen, kaas oo kala haga danahooda bulsho, dhaqaale, siyaasad iyo kuwo kalo badan. Waa hanaan qorsheeya habka lagu gaaro go’aannada, tartan ku dhisan cadaalad iyo wada-tashi hagaya hogaanka. 

Dowlad waxaa loo qeybiyaa saddex heer: heer qaran, gobol, iyo hoose. Hay’adaha hoggaamiya dowladana waxaa loo kala saaraa: sharci dejin (Golaha Baarlamaanka), fulin (Xukuumadda/Executive), iyo garsoor (Judiciary).

Waa maxay Dowlad Wanag?

Dowlad wanaag waa hanaan dowladeed oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan, sarreynta sharciga, ka-qaybgalka bulshada, iyo adeeg dadweyne oo la isku hallayn karo. Waa qaab lagu hago awoodda dowladeed si ay ugu adeegto danaha guud ee bulshada, iyadoo si caddaalad ah oo daahfuran u wajahaysa maamulka kheyraadka, go’aan qaadashada, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Astaamaha Dowlad Wanaagsan.?

Ka-qaybgal dadweyne

Muwaadin walba, rag iyo dumar, waxa ay xaq u leeyihiin ka qayb qaadashada go’aan qaadashada, ka hadalka, ogaalka, iyo in uu helo cadaalad si siman hadii ay noqoto in maamulka, shaqada iyo mansab walba oo siyaasadeed la Qabto.

Sarreynta Sharciga

Dowladda wanaagsani waxa ay leedahay sharci qeexan, si cadaalad ah ugu kala dabqaada, oo ka sarreya qof iyo qoys, loo siman yahay, kana tarjumaa rabitaanka bulshada.

Adeeg Bulsho oo Hufan

Dowladda wanaagsan waxay bixisaa adeeg bulsho oo tayo leh (si xirfad leh oo waxtar leh loo qabto), caddaalad ah (si siman oo eex-la’aan ah loogu adeego dhammaan muwaadiniinta), xilkasnimo leh (adeeg bixiyayaashu ay ka warhayaan masuuliyadda ay u hayaan bulshada), la xisaabtami kara (muwaadiniintu ay awood u leeyihiin inay weydiiyaan sababta adeeggu u gaabisay), iyo waqtigiisa la socda (– aan daahin, lagana jawaabo baahida bulshada marka ay jirto).

Isla-xisaabtan

Waa dowlad lala xisaabtami karo, u furan: Su’aalo la weydiiyo, Dood iyo In la saxo wixii qaldan oo la isla meel dhigo mas’uuliyadda.

Daahfurnaan

Waa dowlad xogteeda la wadaago bulshada, si go’aannada ay qaadato loo arko, loo maqlo, loona fahmo. Loo hubiyo in ay sharciga raaceyso iyo in kale. Loo oggaado halka ay marayaan ballanqaadyadii hore.

Horumar iyo Hamilo

Dowlad wanaagsani waxay bulshada u abuurtaa aragti fog iyo himilo, ka dhaadhicidaa, ka gadaa aragtidaas. Dowlada wanaagsani dadkeedaa aaminsan, waa mid loo jeedo meesha ay u socoto, mid qaadata go’aana wanaagsan oo shaqadeeda dadweynaha qiimeeyo mustaqbalkana keenta guulo iyo horumar la taaban karo.

Sidee Dowlad Wanaaga Lagu Heli Karaa.?.

Helitaanka dowlad wanaag waxuu ku xiranyahay: Ka-qaybgal bulshada, Isla-xisaabtan, Hufnaan, iyo U adeegidda danta guud. Dowlad wanaag waa wadada lagu gaaro: Nabad, Xasilooni, Cadaalad, Kalsoonida shacabka, Midnimo  iyo Horumar waara.

Dal iyo dad midkoodna ma jiri karaan dowlad la'aan, dowladna ma jiri karto dowlad wanaag la’aanteed.



Xigasho / Notes

Share this post