Sarreynta Sharciga (Rule of Law) waa mabda’ aas-aas u ah nimdaamka cadaaladda iyo dawladnimada, kaas oo dhigaya in sharcigu yahay kan ugu sarreeya ee dalka ka jira. Qof kasta oo jooga gudaha dalka, ha ahaado muwaadin caadi ah, madax dowladeed, askari, garsoore, ama hay’ad dowladeed waa in uu hoos yimaadaa sharciga, uuna u hoggaansamaa si la mid ah qof kasta oo kale.
Maxay Ka Dhigan Tahay Sarreynta Sharciga?
- In sharcigu yahay kan ugu sarreeya ee haga dawladda iyo shacabka, kana ilaaliya ku takri-falka awoodda, kelitalisnimada, kooxaysiga, iyo takoorka.
- In aanay jirin cid leh xuquuq gaar ah oo ka sarreysa sharciga. Madaxweynuhu, wasiirku, askarigu, ganacsaduhu, ama muwaadinka caadiga ah dhammaantood waa in si siman loola dhaqmaa marka ay timaaddo fulinta sharciga.
- Shuruucda iyo xeerarku waa inay noqdaan kuwo si furan loo dejiyay, loo dhaqan-geliyay, la daabacay, muwaadin kastana uu heli karo. Waa inay noqdaan kuwo si fudud loo fahmi karo, isla markaana qeexaya baahida loo dejiyay.
- Ma jiraan “shuruuc qarsoon” ama sharciyo gaar ah oo loogu talagalay kooxo ama dad gaar ah.
- Garsoor madax-bannaan – nidaamka caddaaladdu waa inuu ahaado mid ka madax bannaan musuqmaasuq, faragelin siyaasadeed, iyo saamayn gaar ah oo ka timaadda qof, qoys, ama koox.
- Garsoore kastaa waa inuu go’aan ka gaaro kiisaska si caddaalad ah, isagoo raacaya sharciga, islamarkaana aan u hoggaansamayn amarka dowladda ama awood kale.
- Garsoorka iyo sharcigu waa inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah sida xorriyadda hadalka, xorriyadda ururka, xuquuqda lahaanshaha hantida, iyo xuquuqda in si caddaalad ah loo maxkamadeeyo qof kasta.
- Hay’adaha dowlowligaa waa inay ilaaliyaan xuquuqdaas, ayna ka hortagaan in sharciga lagu takri falo ama lagu caburiyo muwaadiniinta.
Haddii aan la helin Sarreynta Sharciga, waxaa imanaya:
- Amni xumo iyo caddaalad-darro.
- Xadgudubyo joogto ah.
- Ku takri-fal awood.
- Kalsooni darro shacabka dhexdiisa ah.
- Rabshado iyo jahawareer siyaasadeed.
Haddii la helo Sarreynta Sharciga, waxaa la helaa:
- Amni iyo caddaalad.
- Kalsooni iyo horumar.
- Dowladnimo loo siman yahay oo shacabka u adeegta.
- Maalgashi caalami ah iyo koboc dhaqaale.
- Musuqmaasuq la’aan.
Sarreynta Sharcigu waa laf-dhabarta dimuqraadiyadda, caddaaladda, iyo horumarka bulshada. Waa tiirka lagu ilaaliyo kala dambeynta, waa dhaqan iyo caddaalad loo siman yahay. Waa masuuliyad laga rabo dowladda, garsoorka, ciidamada, iyo muwaadiniinta dhammaantood — in ay ku dhaqmaan, ilaaliyaan, una istaagaan hirgelinta mabda’an.
Xigasho / Notes
- World Justice Project (WJP)
What is the Rule of Law? - Rule of Law Education Centre – Australia
What is the Rule of Law? - UCL Constitution Unit – University College London
Explainer: What is the Rule of Law?