Waa Maxay Bulsho Rayid Ah?
Bulsho Rayid ah (Civil Society) waa kooxo ama ururo aan dawli ahayn oo si iskood ah isu abaabula si ay u difaacaan ama u horumariyaan danaha iyo qiyamka gaarka ah ee xubnahooda ama bulshada guud ahaan. Kooxahani waxay ka madax bannaan yihiin dawladda iyo ganacsiga, waxayna ka shaqeeyaan arrimo bulsho, dhaqaale, siyaasadeed, iyo deegaan. Waa udub-dhexaadka xiriirka ka dhexeeya qofka muwaadinka ah, dawladda, iyo suuqa. Waa aasaaska iskaashiga iyo isdhexgalka bulshada iyo ka qaybqaadashada dadweynaha ee go’aan qaadashada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha
Maxay Qabtaan Ururada Bulshada Rayidka Ah?
Ururada Bulshada Rayidka ah waxay qabtaan hawlo kala duwan oo muhiim ah, kuwaas oo quseeya danta guud ama yoolalka ay rabaan inay gaaraan, waxaana ka mid ah:
- U Doodista Xuquuqda iyo Danta Dadweynaha: Tusaale ahaan, waxay u doodaan xuquuqda aadanaha, xuquuqda haweenka, xuquuqda carruurta, xuquuqda dadka la hayb sooco, iyo xuquuqda shaqaalaha. Waxay u adeegaan sidii codka kuwa aan la maqal, iyagoo ku cadaadiya dowladda inay ilaaliso sharciga oo ay ka jawaabto baahiyaha muwaadiniinta.
- Bixinta Adeegyada Bulshada: Waxay bixiyaan adeegyo aasaasi ah kuwaas iskujiro talooyin, abaabul, iyo adeegyo la taban kara oo kaabaya dadaallada dowladda ama buuxiya meelaha bannaan, gaar ahaan meelaha ay dowladda awooddeedu liidato.
- La Socodka Dawladda iyo Ganacsiyada: Waxay la socdaan dhaqamada dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay u hubiyaan inay u hoggaansamaan shuruucda iyo inay ilaaliyaan xuquuqda dadweynaha. Tani waa mid ka mid ah kaalmaha ugu muhiimsan ee la xisaabtanka, iyagoo kor kala socda musuqmaasuqa iyo ku-takri-falka awoodda.
- Horumarinta Wacyiga Bulshada: Waxay sameeyaan ololeyaal wacyigelin ah oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee bulshada, sida dhibaatooyinka bulshada ka jira, xuquuqda, iyo waajibaadka muwaadiniinta. Tani waxay kobcisaa fahamka iyo ka-qaybgalka bulshada.
- Dhisidda Iskaashiga iyo Wadashaqaynta: Waxay dhiirrigeliyaan iskaashiga u dhexeeya bulshada, dawladda, iyo ganacsiga si loo gaaro yoolal guud oo horumarineed iyo nabadgelyo.
Tusaalooyinka Ururada Bulshada Rayidka Ah waxaa ka mid ah: Ururada samafalka, Ururada diinta. Ururada shaqaalaha. Ururada xirfadlayaasha, Kooxaha u dooda ilaalinta deegaanka, Ururada dhalinyarada iyo kuwa haweenka.
Guud ahaan, Bulshada rayidka ah waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dimuqraadiyadda, horumarka bulshada, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxay xoojiyaan codka shacabka, waxay fududeeya in muwaadinku si toos ah ugu lug yeeshaan la xisaabtanka dowladda iyo hay’adaha kale midaas tiir u ah dowladnimo hufan oo loo wada dhan yahay.
Waxay sidoo kale door muuqda ku qataan dhismaha hay’adaha amniga Waxeey bixiyaan taageero, talo, dhiirrigelin iyo cadaadis si kor loogu qaado tayada iyo daahfurnaanta hay’adahaas. Fududeeynta wada hadalka bulshada iyo dib-u-heshiisiinta, taasoo kor u qaadda xasilloonida iyo amniga guud. Iskaashi iyo wada shaqayn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha amaanka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa muhiim u ah in adeegyada amniga loo fidiyo si siman oo loo dhan yahay. Dhiirrigelinta ka-qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada, taasoo sare u qaadaysa matalaadda, hufnaanta, iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha amniga.
Xigasho/Notes
- Xigasho / Notes SomaliaTalk, Bulshada Rayidka
- Arab.org. How Civil Society Can Adapt to the Fourth Industrial Revolution
- Saferworld., WRO Project FCAS – Somalia Country Brief Report