Kormeerka iyo Korjogteynta Rayidka
Civilian oversight!
waa nidaam iyo hannaan awood siinaya muwaadiniinta, mas'uuliyiinta la soo doortay ama la magacaabay, iyo hay'adaha rayidka ah inay kormeeraan, la socdaan, la xisaabtamaan, fikirkoodana ka dhiibtaan shaqada iyo maamulka laamaha amniga sida booliska, militariga, asluubta, iyo sirdoonka. Ujeeddada ugu weyn waa in la hubiyo in hay’adaha amniga ay si hufan, caddaalad ah, isla xisaabtan leh, oo daahfuran ugu adeegaan bulshada
Fikradda asaasiga ah ee kormeerka rayidka ayaa ah in ciidamada amnigu ay yihiin qalab dawladeed oo ay tahay inay u adeegaan shacabka, ee aysan u adeegayn siyaasiyiin gaar ah, qabaa'il, ama dano kooxeed. Midaan waxay dammaanad qaadaysaa in awoodda ciidanku aysan noqon mid aan xadidnayn, oo laga hortago ku-takri-falka awoodda.
Muhiimadda Kormeerka iyo Korjoogteynta Rayidka ee Hay'adaha Amniga
- Kormeerka rayidka wuxuu udub dhexaad u yahay dowlad wanaagga iyo nabad waarta, waxaana uu leeyahay muhiimado badan oo kala duwan:
- Daahfurnaan iyo Isla-xisaabtan: Wuxuu sahalaa in si dhow loola socdo shaqada ciidamada qalabka sida si loo hubiyo inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga iyo anshaxa xirfadeed oo ujeeddadeedu tahay in ciidamadu ay u shaqeeyaan si daahfuran oo lala xisaabtami karo, taas oo ka hortagaysa musuqmaasuqa iyo xadgudubyada.
- Xaqiijinta Sinaanta Sharciga: Wuxuu hubiyaa in kuwa loo idmaday inay ilaaliyaan sharciga ay iyaguna sharciga u hoggaansamaan. Mabaadi'da dowladnimo ee casriga ah waxay qabtaa in qofna sharci kama sarreeyo, xitaa kuwa sharciyada dajiya ama dhaqan-geliya. Midaan waxay sahashaa xaddidaadda iyo ka hortagga ku takri-falka awoodaha.
- Kordhinta Kalsoonida Shacabka: Marka shacabku dareemaan in laamaha amniga ay yihiin kuwo lala xisaabtami karo, oo u shaqeeya danta guud, waxaa kor u kaca kalsoonida ay ku qabaan hay’adahaas. Kalsoonida shacabku waa shay lama huraan u ah iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo ciidamada amniga, taasoo lagama maarmaan u ah hormar iyo nabad waarta.
- Ka Hortagga Gabood-fallada: Jiritaanka kormeer rayid ah oo firfircoon wuxuu yareyaa gabood-fallada ka yimaada ciidamada amniga.
- Kobcinta Xirfada Ciidanka: Kormeerka iyo la xisaabtanka wuxuu ku horseeda ama dhiirigeliyaa horumariyaan xirfada iyo anshax ciidamada, sidoo kale in shaqadooda eey u qabsadaan si xirfadaysan oo ka madax bannaan saamayn shaqsi ama mid kooxeed.
Yaa Leh Mas'uuliyadda iyo Awoodda Kormeerka iyo Korjoogteynta?
Mas'uuliyadda iyo awoodda kormeerka iyo korjoogteynta laamaha amniga waxay ku fidsan yihiin dhowr hay'adood iyo shakhsiyaad, kuwaas oo iska kaashada si loo xaqiijiyo isla-xisaabtanka:
- Baarlamaanka: Waa hay'adda ugu sarreysa ee matasha shacabka, waxayna leedahay awood sharci-dejineed iyo mid kormeer. Gaar ahaan, guddiyada baarlamaanka ee xuquuqul insaanka, arrimaha bulshada, difaaca, amniga, garsoorka, iyo maaliyadda, waxay si toos ah ula socdaan waxqabadka laamaha amniga.
- Mas'uuliyiinta la doortay ama la magacaabay: Sida wasaaradaha difaaca, amniga, caddaaladda, xuquuqul insaanka, iyo maaliyadda. Wasaaradahan ayaa mas'uul ka ah maamulka tooska ah iyo kormeerka gudaha ee laamaha amniga ee hoos yimaada.
- Hay'adaha Madax-bannaan ee Kormeerka: sida guddiyada madax-bannaan ee leh awoodaha baarista, la-xisaabtanka, iyo kormeeridda, sida xafiisyada qaabilsan cabashooyinka shacabka, Guddiyada Xuquuqda Aadanaha, iyo hanti-dhowrka guud.
- Garsoorka: Maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta ayaa door lama huraan ah ka ciyaara la xisaabtanka laamaha amniga, gaar ahaan marka ay dhacaan xadgudubyo sharci daro. Waxay go'aamiyaan dambiyada waxayna ciqaabaan kuwa ku kaca.
- Bulshada Rayidka ah & Saxaafadda: In kasta oo aysan lahayn awood rasmi ah oo amar-bixin ah, haddana waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kormeerka iyo ka hortagaa xadgudubyada. waxeey soo saaraan Warbixin iyo waxeey saraan cadaadis bulsho horseeda in dowladda wax ka qabato arrimaha jira.
Saamaynta Kormeerka Rayidka oo Daciifa ama Maqan
Kormeerka rayidka oo daciif ah ama gebi ahaanba maqan wuxuu horseedi karaa cawaaqib xun oo saameeysa nabadgelyada, caddaaladda, iyo xasilloonida dalka:
- Ciidamo aan la xisaabtamin, oo ku takri fala awoodahooda: Marka aanay jirin kormeer wax ku ool ah, laamaha amnigu waxay dareemi karaan inay xor u yihiin inay wax kasta sameeyaan iyagoon ka baqaynin cawaaqib xumo falkeste oo eey ku kacaan. Midaano horseedi karta tacaddiyo joogto ah, dil, iyo xadgudub.
- Daacadnimo qabiil oo ka sarreysa amar qaran: Sida hada Soomaaliya oo kale, halke eey askartii qaran u qeyb sanyihiin qab qabiil, marka uu dagaal qabiil dhaco midkaste reerkiisa la safta.
- Dhimasho iyo dhaawac rayid oo aan la xisaabtamin: Marka ciidamadu ay si xad-dhaaf ah u adeegsadaan xoog, ama ay ku kacaan ficillo gardarro ah oo aanay cidina la xisaabtamin, waxaa bataya dhibaataynta shacabka aan waxba galabsan.
- Jawi cabsi, xadgudub iyo kalsooni darro shacabka ku qabaan hay’adaha amaanka: Bulshadu ma ku kalsonaan karto askar aan dadka u sineen ama aan ilaalinen xoriyada, nafta iyo Malka muwaadinka. Midaas horsed karto nidaam iyo xasilinooni daran.
Dib-u-habaynta hayadaha amaanka ma aha tababar, qori am qalab kaliya, ee waa dib-u-dhiska kalsooni shacabka, isla xisaabtan, iyo daahfurnaan. Kormeerka rayidka waa tiirka xudunta u ah dib-u-habaynta hayadaha amaanka iyo dhismaha dowlad hufan.
Kormeerka rayidka waa tiir muhiim ah oo dhowraya xuquuqda shacabka, xaqiijiya waajib gudashada ciidamada, isla markaana dhisaya nidaam amni iyo caddaaladeed oo qof walba ku kalsoon yahay. Waa midka manta bulshadeenna ugu baahida badan oo ka maqaa, hadii ujirana waa mid aan cadeeyn oo sidii laga filayay aan u shaqeyn.
Xigasho/Notes
- DCAF – Geneva Centre for Security Sector Governance
Policy Brief: Civilian Oversight - UNDP
Public Oversight of the Security Sector: A Handbook for Civil Society Organizations - GSDRC – Governance and Social Development Resource Centre
Building Public Confidence in Police Through Civilian Oversight