Dowlad?
Dowlad waa hanaan maamul oo ay bulshada ku heshiiyeen, si loo hago danahooda bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed. Waa nidaam qorsheeya sida go’aannada loo gaaro, tartan iyo wada-tashi ku dhisan cadaalad oo haga hogaanka.
Dowlad waxaa loo qaybiyaa saddex heer:
- Heer Qaran
- Heer Gobol
- Heer Degmo
Hay’adaha hoggaamiya dowladana waxaa loo kala saaraa:
- Sharci-dejin (Parliament)
- Fulin (Executive)
- Garsoor (Judiciary)
Shaqada dowladdu waa adeeg bulsho. Adeegguna waa xaqa muwaadinka. Helidda adeeggaas waa in uusan muwaadinku u marin cid kale sida dalaal, oday dhaqan, siyaasi, ama sarkaal dawladeed. Dowlada wanaagsan waxay u adeegtaa shacabka si hufan, iyadoo ilaalinaysa cadaalad iyo daahfurnaan.