Waa maxay Heshiis Bulsho ?
Heshiiska Bulshada waa is-afgarad ama heshiis u dhexeeya shacabka iyo dowlad xukunta. Shacabku waxay aqbalaan inay u hoggaansamaan xukunka dowliga, shuruucda dalka, ka qaybqaataan danta guud (bixinta canshuurta, ilaalinta nabadgelyada, ka shaqaynta horumarka, ka qaybgalka doorashooyinka, iwm). Dowladdu waxay damaanad qaaddaa matalaadda shacabka, ilaalinta xuquuqda, bixinta adeegyada aasaasiga ah, nabadgelyo, caddaalad iyo maamul hufan.
Soomaaliya ma ka jiraa heshiiskan?
Haa. Haddaan heshiis bulsho jirin, dowlad ma jiri lahayn. Laakiin uma shaqeeyo sidii la rabay. Shacabku waajibaadkooda way fuliyaan inta ay awoodaan: waxay bixiyaan canshuur, shuruucda way ixtiraamaan, weyna taageeraan dowladnimada. Dowladdu inta badan kama soo baxdo ballanqaadyada adeeg iyo daryeel. Labada dhinacba howl badan ayaa looga baahan yahay si uu heshiisku dhab ugu shaqeeyo.
Kahor burburkii dowladdii dhexe, heshiiska bulshada wuu Jiray. Dowladdu adeeg iyo daryeel bulsho bay bixin jirtay, shacabka-na way u hoggaansanaayeen. Burburkii Kadib, heshiiska bulshadu wuu burburay. Dowlad la’aantu waxay keentay in qof walba ku tiirsanaado qoys, qabiil, oday ama maleeshiyo tolkiis, taas oo kalsoonida bulshada wiiqday.
Maanta, dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ku jiraan marxalad dib u dhisidda heshiiska bulshada. Lakiin waa mid aan mira dhalkiisa soo dhaweyn, waxaa mudnaanta koowaad la siiyay dan shaqsi iyo sad-bur.
Si heshiisku iyo nidaamka dowladnimo u shaqeeyo, waxaa loo baahan yahay: In dowladdu bixiso adeeg iyo daryeel bulsmuuqda, oo aysan xoogga saarin dhaqan-galinta sharciyo qalalan oo aan wax la taaban karo la socon. In shacabku yeeshaan kalsooni ay ku raacaan shuruucda, bixiyaan canshuur, oo ay dowladda ka filan karaan waxqabad.
Heshiiska Bulshadu wuxuu shaqeyaa marka labada dhinacba ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda.
Masuul
- Guddoonso waajibaadkaaga, oo fuli ballanka aad qaadday ee aad ku dhaaratay.
- Hashiiskani waa aasaaska sharciyadda dowladnimo. Haddii aanad dhowrin, waxaad tahay qof dan gaar ah raacsan.
- Waa xil qaran oo ku saaran, waana mid ay shacabku iyo sharcigaba kugula xisaabtami doonaan.
Muwaadin
- U hoggaansanow, Ka qaybgal, La-xisaabtan, Taageer dawladnimada si loo helo Soomaaliya ka wanaagsan tan maanta.