Marka aynu ka hadlayno caddaaladda, inta badan maskaxdeena waxaa ku soo dhaca maxkamado, garsoorayaal, qareenno, iyo sharciyo. Waa run, kuwaani waa tiirarka ugu muhiimsan ee nidaamka caddaaladda. Hase yeeshee, in caddaalad dhab ah laga helo nidaam dowladeed ama bulsho ma aha mid ku kooban dhismaha maxkamado iyo qorista sharciyo oo kaliya. Caddaaladdu waa dhaqan bulsho oo ka dhasha sida dadku u fahmaan, ugu dhaqmaan, iyo masuuliyad isaga saaraan ilaalinta xaqa, sinaanta, iyo sharciga.
Caddaaladdu Waa Maxay?
Caddaaladdu waa:
- Mabda’ aasaasi u ah nolol wadaag bulsho, kaas oo ku saleysan sinnaanta, xaqsoorka, iyo ilaalinta xuquuqda dadka oo dhan. Waa in qof kasta loola dhaqmo ama loola macmiilo si cadaalad ah, iyadoo aan loo eegin ama lagu salayn qabiil, jinsi, dhaqaale, ama hayb kale.
- Dhaqan bulsho oo ka dhasha sida dadku u fahmaan, ugu dhaqmaan, iyo xil iskaga saaraan ilaalinta xaqa, sinaanta, iyo sharciga.
- Hab-dhaqan oo ku dhisan ixtiraamka xuquuqda qof walba, ilaalinta dadka nugul, iyo in fursadaha nololeed lagu qaybsado si siman.
- Xaalad uu qof kasta dareemayo inuu helayo xuquuqdiisa, lana ilaalinayo sharaftiisa iyo ammaanadiisa.
Caddaaladdu waxay ku xiran tahay dhaqanka bulshada, hab-dhaqanka siyaasadeed, iyo qiyamka ay dadku wadaagaan maalin walba. Si kale haddii loo dhigo, caddaaladdu ma aha kaliya go'aannada laga soo saaro xafiisyada garsoorka iyo maxkamadaha, balse waa xaalad nololeed oo qof kasta uu ku dareemayo inuu helayo xuquuqdiisa, lana ilaalinayo sharaftiisa iyo ammaanadiisa.
Marka uu qof kasta garto, kuna dhaqmo, masuuliyadna iska saaro ilaalinta xaqa dadka kale iyo ka hortagga cadaalad darada, markaas ayay bulshadu heli doontaa nidaam cadaaladeed oo xaq ah oo loo siman yahay.
Sharciga iyo Dhaqangelintiisa
Maxkamaduhu waxay ku shaqeeyaan shuruuc oo ay qoreen qaar ka mid ah bulshada.
Haddii dhaqanka bulshada uusan taageerin u hoggaansanaanta sharciga, ama haddii dhaqanku uu dhiirigeliyo musuqmaasuqa iyo eexda, markaa shuruucdu waxay noqonayaan warqado aan waxba ka beddelin xaqiiqada.
Sida maahmaahdu tiraahdo, "Hal xaraana nirig xalaal ah ma dhasho" ama si kale haddaan u dhigo, "Weel kasta waxaa ku shubto aa ka cabtaa."
Tusaale:
- Haddii dhaqanka bulshada aqbalo eex ku saleysan qabiil, ama ogolaado in qofka lacagta haysta uu sharciga iibsado.
- Haddii garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha lagu soo xulo si qabiil ku saleysan.
Markaas maxkamad ama sharci la qoray kaliya ma keeni karaan caddaaladda.
Caddaaladdu Waa Arrin ku Dhisan Kalsooni Bulsho
Haddii dadku aysan ku kalsoonayn nidaamka caddaaladda, ama haddii ay dareemaan in aanay jirin daah-furnaan ama aysan helin meel ay cabashadooda geeyaan oo cadaalad ka helaan, waxay aadi doonaan habab kale oo ay cadaalad ku helaan, sida aargoosi, heshiisyo qabiil ku saleysan, bixinta mag/diyo, kii wax dilayna uusan wax ciqaab ah marin, ama u hoggaansanaanta nidaamyo aan dowli ahayn sida kuwa manta ka jira dalka. Tani waxay burburisay ahmiyadda ay bulshadu siiso nidaamka dowladnimada, kalsoonida bulshada dhexdooda, isku xirnaanta dowladda iyo dadka, ugu dambayna waxay horseedaa fowdo aan dhammaad lahayn.
Dhaqan Caddaaladeed Waa Ilaalinta xuquuqda aadanaha
Dhaqanka caddaaladeed waa ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo anshaxa guud. Haddii bulshada aysan mudnaan siin xuquuqda asaasiga ah ee qofka, ama ay aqbasho xadgudubka, maxkamadaha iyo xeer-ilaaliyaashu keligood ma sixi karaan nidaamka.
Dhaqan caddaaladeed wuxuu xididdo qoto dheer ku leeyahay ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo anshaxa guud. Haddii dhaqanka bulshada uusan mudnaan siinayn xuquuqda aasaasiga ah ee qofka, ama haddii uu aqbalayo xadgudubyada, markaa maxkamaduhu iyo xeer ilaalintu kaligood ma sixi karaan. Waa in uu jiro dareen guud oo bulsho oo ka soo horjeeda tacaddiga.
Bulshooyinka leh dhaqan caddaaladeed oo adag, dadku waxay inta badan door bidaan inay khilaafaadkooda ku xalliyaan si nabad ah, waxeey u hoggaansamaan go'aannada caddaaladda. Haddii dhaqanku uu xoojinayo dulqaadka, isfahamka, iyo ilaalinta xuquuqda dadka kale, markaa waxaa yaraanaya baahida loo qabo nidaamyada cadaaladda ka fog ee hadda ka jira dalka.
Caddaaladdu:
- Waxay dhistaa kalsoonida dadweynaha ee dowladda iyo hay’adaha garsoorka.
- Waxay yareysaa colaadda, isqabqabsiga, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
- Waxay horseedaa in bulshada ku wada noolaato nabad iyo is-ixtiraam.
Soomaaliya manta waxeey baahi weyn u qabtaa in caddaaladdu ay noqoto dhaqan bulsho. Burburkii dowladeed wuxuu dumiyay nidaamkii rasmiga ahaa, waxaana beddelay habab aan dowli ahayn, kuwaasoo mararka qaar ka fog bini-aadannimada iyo suubbanida dhaqanka ee bulshada..
Dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo dhismaha nidaam caddaaladeed oo waara ma noqon karaan kuwo miro-dhal ah haddii aan la abuurin dhaqan bulsho oo qadariya sharciga, xuquuqda aadanaha, iyo caddaaladda. Tani waxay u baahan tahay dadaal wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dhammaan qeybaha bulshadda, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, diinta, siyaasadda, aqoonyahanka, iyo muwaadin kasta.
Waxaa muhiim ah in la xoojiyo fahamka ah in caddaaladdu tahay mas'uuliyad wadaag ah, loona baahan yahay wax ka badan maxkamado iyo sharci qoran.
Gunaanad
Si loo gaaro caddaalad dhab ah oo waarta, waa in aan diiradda la saaraa kaliya dib-u-dhiska maxkamadaha iyo qorista sharciyo cusub, balse sidoo kale in la dhiso dhaqan ku saleysan ixtiraamka sharciga, sinaanta, iyo u adeegidda qof walba si siman. Taas ayaa ah waddada kaliya ee lagu gaari karo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.