Skip to Content

Building a Unified Force

June 29, 2025 by
amnireform@gmail.com

Horumarinta iyo dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ayaa ah tiir aasaasi ah oo lama huraan u ah inay dowladnimada Soomaaliya shaqayso iyo in shacabku nabad helo. lakiin, waa hawl u baahan waqti dheer, isbeddel dhaqan, heshiis siyaasadeed, iyo samaynta sharciyo lagu maamulo.

Maxaa Xal Ah Inta Laga Gaarayo Yoolkaas Fog?

Shacabka Soomaaliyeed ma sugi karaan waqtigaas dheer, sidaas darteed waxaa lama huraan ah in barnaamijka dib-u-habaynta la fududeeyo, qayb-qayb loo dhigo, oo uu yeesho wajiyo badan oo isku xiran oo isku xiga.

Baahiyaha Aasaasiga Ah ee Soomaaliya

Baahida ugu weyn ee ay Soomaaliya qabto waa nabad, xasillooni, fursado dhaqaale, iyo dowlad awood u leh bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada u baahan tahay. Haddii baahiyahan la dabooli waayo, ma jiri karto dowlad, nabadgelyo iyo kalsooni shacab.

Si loo helo dowlad shaqaysa, oo hufan, lala xisaabtami karo, waxaa lagama maarmaan ah in ay dowladdu hesho awood iyo aqbalaad ka timid shacabka. midaan waxay ku xiran tahay helitaanka ciidan qaran oo dhaqan-galiya sharciga, ilaaliya nabadgelyada, u hoggaansan dowladda, kuna dhisan fikrad qaran.

Midnimada Ciidanka Qaran

Qodobkan wuxuu si gaar ah ugu xiran yahay in ciidamada la isku dhafo oo askari kasta lagu meeleeyo halkii uu ka hawlgeli lahaa iyadoo aan lagu salaynayn deegaanka uu ka yimid ama qabiilka uu ka soo jeedo. Dowladda waa in ay iyadu go'aamisaa meesha uu askari kasta ka hawlgelayo, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka (militariga). midaan waxay horseedaysaa:

  • In dowladdu ay hesho awood ay dalka ku maamusho.
  • In dagaalka argagixisada uu yeesho hal waji iyo hoggaan mideysan.
  • In la helo ciidan qaran oo aan ku dhisnayn qaab qabiil, taasoo xal u keenaysa dagaallada qabiil ee soo noqnoqday, kuwaas oo inta badan sii huraya marka ciidamada jooga deegaannada ay la saftaan qabiilkooda marka dagaal dhaco.

Go'aanka Qorshahaan

Si arrinkaan loo fuliyo, iyadoon deeq-bixiyeyaal lacag laga sugin ama aan laga sugin cid kale oo inoo sheegta sida loo samaynayo, waa in madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, ay ku heshiiyaan dhaqan-gelinta National Security Architecture lagu heshiiyay May 2017 shirkii London. Waa go'aan horseedi kara nabad iyo xal waara. Haddii ay tallaabadan qaadaan, taariikhda ayaa xusuusan doonta. Talaabada kowaad waa inay noqotaa isku dhafka iyo qabaynta askarta iyo hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka.

Mamulka iyo Dhaqan-gelinta

Marka madaxdu heshiiyaan, waa in baarlamaanku uu dejiyo siyaasadihii lagu meel marin lahaa, lagu maamuli lahaa, iyo in la dhiso hay'ado madax-bannaan oo ka madax bannaan siyaasad, qoys, iyo shaqsiyaad, kuwaas oo kormeera oo korjoogteeya dhaqan-gelinta iyo maamulka heshiisyadaas. midaan waxay sahleysaa in shacabku aaminaan oo ay taageeraan ciidanka, waxayna ka hortagaysaa ku takri-falka awoodaha ciidanka xoogga dalka in aan loo isticmaalin dano siyaasadeed, kooxeed, ama qabiil.

Dhaqan-gelinta iyo maamulka arrinkaan waxaa sahlanaya in ciidanka xoogga dalka la wada diiwaan-geliyay. Askari kasta wuxuu leeyahay tixraac, gal, iyo nambar uu lacag ku qaato, sida ku cad warbixinnada dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaas oo sheegay inay diiwaan-geliyeen inta badan ee ciidanka xoogga dalka. Dawladda hadda jirta waxay leedahay awood ay askari kasta ku geeyso goobtii lagu qoray. Arrinkaan maaha hawl habayn galinkii lagu soo dhamayn karo, laakiin haddii loo dhaqaqo waxay ku dhammaan kartaa wax ka yar lix bilood haddii laga hormariyo dan guud mid gaar ah, dan shaqsi mida danta shacabka, iyo dan qabiil mida qaran.

Midaan waxay ina horseedaysaa inaan helno:

  • Ciidan la xisaabtami karo.
  • Daacadnimo qaran oo ka weyn mid qabiil.
  • Ciidan qaran oo aan loo isticmaalin dagaal dano siyaasadeed, shaqsi, ama mid qabiil.
  • In Soomaali ay hesho ciidan qaran oo ku mashquulsan la dagaallanka argagixisada.
  • Xalka dhibaatooyinka badan ee ka jira dalka wuu ka sahlananaan doonaa meesha uu maanta joogo.

Dhamaan inta kale ee barnaamijka dib-u-dhiska ciidanka wuu sahlanaan doonaa, sida booliska, nabad sugidda, iyo asluubta. Tababarada iyo farsamooyinka kale ee lagu hagaajinayo, kor u qaadida howlaha, iyo tayayntooda.

Qaranimada maanta waxay u baahan tahay hiil, is-tanaasul, hami ka weyn reer-hebel, iyo mas'uuliyad qaran.

Share this post